ANKARA – Dowladda Turkiga ayaa xoojisay taageerada dhanka difaaca ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, kadib wadahadal taleefan oo Sabtidii dhexmaray Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa Xasan Sheekh Maxamuud.
Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Turkiga oo dowladda Soomaaliya ku wareejiyay saddex diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ee T-129 Atak ah, si loo dardargeliyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Sidoo kale, waxay dowladda Turkiga ciidamada badda Soomaaliya siisay labo diyaaradood oo qumaatiga u kaca, kuwaasoo qeyb ka ah heshiis difaac oo labada dowladood ay kala saxiixdeen bishii February 2024, kaasoo ka mid ahaa qorshe ay Turkigu ku taageerayso tababar iyo dhisidda ciidamo badeed awood leh.
Sanadkii la soo dhaafay, Turkiga ayaa tababaray dhowr duuliye Soomaali ah si ay u maamulaan diyaaradaha Atak, waxaana diyaaradaha cusub la keenay Muqdisho kadib markii duuliyayaashu dhameysteen tababarkoodii ugu dambeeyay.
Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa sheegay in taageerada Turkiga ee Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonto, isla markaana la ballaarin doono, sida lagu xusay war kasoo baxay madaxtooyada Turkiga.
Taageerada milateri ee Turkiga ayaa timid xili xiisad siyaasadeed ay ka jirto Soomaaliya, islamarkaana ay dalka kusoo wajahan yihiin doorashooyinka la qorsheeyay in la qabto 2026, kuwaas oo noqon doona qof iyo cod, sida qorshaha dowladda uu yahay, balse mucaaradka ay kasoo horjeedaan nidaamka loo dejiyay codbixinta.
Turkiga waa saaxiibka ugu wayn dowladda Soomaaliya xiligan marka ay timaado tababarka ciidanka iyo maalgashiga, iyadoo hay’ado laga leeyahay Turkiga ay maamulaan Garoonka diyaaradaha iyo dekadda Muqdisho oo ah ilaha ugu waaweyn ee dhaqaalaha dowladda.



