Turkiga oo shaaciyay in uu xoojinayo taageerada Soomaaliya ee la dagaalanka kooxaha hubeysan

0

Muqdisho – Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u shaacisay in ay si toos ah u taageeri doonto dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha hubeysan ee ka dagaallama gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Al-Shabaab iyo Daacish.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, oo ka hadlay qorshaha cusub ee dalkiisa ee la xiriira la dagaallanka argagixisada, ayaa sheegay in Turkigu uu garab istaagayo saaxiibadiisa caalamiga ah, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay mudnaanta koowaad.

“Turkiga wuxuu si toos ah u taageerayaa dadaallada ay wadaan Ciidamada Soomaaliyeed ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish,” ayuu yiri Wasiir Hakan Fidan.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in taageerada Turkigu aysan ku koobnaan doonin Soomaaliya oo keliya, balse ay sidoo kale ka caawin doonaan dalal kale oo la tacaalaya falalka argagixisada, sida Nigeria.

Turkiga ayaa kamid ah dalalka sida dhow u taageera dalalka qaaradda Afrika, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka ciidamada iyo isgaarsiinta casriga ah ee la xiriirta la dagaallanka kooxaha hubeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here