Ufurow oo u gudubtay wareega Finalka ee tartanka aqooneedka Shabelle

0

MUQDISHO (SMN) – Degmooyinka Ufurow iyo Waabari oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Baay ayaa xalay ku baratamay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle.

Ufurow oo u gudubtay wareega Finalka ayaa heshay 18 dhibcood, halka Waabari oo tartanka ka hartay ay keensatay 8 buundo, sida uu ku dhowaaqay guddiga tartanka.

Sidoo kale waxaa caawa tartanka ku madalsan degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo ka kala tirsan gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe.

Sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waxaa taaba-gelinaya shirkadda isgaarsiinta Somtel oo abaal-marin guddoonsiin doonto degmooyinka gala kaalmaha 1-aad iyo 2-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here