Uganda oo ciidan horleh u tababartay Soomaaliya

0

KAMPALA [SMN] – Wasiiru dowladaha wasaaradda gaashaandhiga Uganda Oleru Huda ayaa tabaar ugu soo xirtay xero ciidan oo ku taalla degmada Kiruhura askar Soomaaliyeed oo loo carbiyay dagaalka Al-Shabaab.

 

Huda ayaa sheegtay in askarta ay qaateen tababar gaar ah iyo xirfado muhiim ah oo ku saabsan la dagaalanka argagaxisadda iyo xasilinta Soomaaliya, oo Ciidan ka socda Uganda iyo dalal kale ay joogaan.

Tababarka askarta ayaa waxay sheegtay inuu xoojinayo iskaashiga difaaca iyo amniga ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Uganda, oo dhawaan tababar siisay ciidan boolis ah oo sida militeriga loo diyaariyay kuwaasoo lagu wareejiyay amniga Muqdisho.

Wasiirka difaaca Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur oo ka qeybgalay munaasabadda ayaa ugu baaqey askarta la tababaray inay difaacaan dalkooda iyo dadkooda, kana soo dhalaalaan waajibaadka saaran.

Dhanka kale, wasiirka ayaa ugu mahadceliyay dowladaha Uganda iyo Imaaraadka qeybta ay ka qaadnayaan dib u dhiska iyo tababarka ciidanka qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here