Uganda oo sheegtay inay ciidamadeeda sii joogi doonaan Soomaaliya

0

Muqdisho, Soomaaliya – Uganda ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay sii joogi doonaan Soomaaliya, inkastoo ay sii kordhayso hubanti-la’aanta ku saabsan mustaqbalka Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

 

Wasiirka Difaaca Uganda, Kiryowa Kiwanuka, ayaa sheegay in ciidanka dalkiisa ay sii joogi doonaan Soomaaliya, isagoo tilmaamay in joogitaanka ciidamada Uganda uu mustaqbalka ka baxsan doono qaab-dhismeedka AUSSOM, isla markaana uu ku salaysnaan doono heshiis laba geesood ah oo ay labada dowladood hore u kala saxiixdeen.

Soomaaliya ayaa muddo ku dhow labaatan sano la dagaallamaysay kooxda Al-Shabaab, iyadoo ciidamada Uganda ay kamid yihiin kuwa ugu badan ee taageera ciidamada dowladda Soomaaliya. Uganda waxay Soomaaliya ku leedahay qiyaastii 4,500 oo askari oo ka tirsan AUSSOM, halka ku dhowaad 2,000 oo askari oo kale ay dalka ku joogaan heshiis laba geesood ah, sida uu AFP u sheegay sarkaal dhinaca milatariga ah.

Si kastaba ha ahaatee, mustaqbalka AUSSOM ayaa galay hubanti-la’aan kadib markii Mareykanka uu ku dhawaaqay inuu joojinayo maalgelinta uu siiyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), kaas oo hawlgalka ka taageera dhinacyada saadka iyo adeegyada muhiimka ah.

Wasiirka Difaaca Uganda, Kiryowa Kiwanuka, ayaa sheegay in dalkiisu uu sii joogi doono Soomaaliya, balse uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qaabka cusub ee joogitaanka ciidamada Uganda. “Qaabka aan u sii joogi doonno Soomaaliya ayaa isbeddeli doona, laakiin waxaan halkaas horey ugu lahayn ciidan ku jooga heshiis laba geesood ah oo aan la galnay Soomaaliya,” ayuu yiri Kiwanuka.

Muqdisho iyo Kampala ayaa dabayaaqadii sanadkii 2024 kala saxiixday heshiis laba geesood ah oo ku saabsan in Soomaaliya loo diro ciidamo ka tirsan milatariga Uganda, inkastoo aan tirada ciidamada lagu caddeyn heshiiskaas. Sarkaal kale oo milatari, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa AFP u sheegay in la fahamsan yahay in dalal kale oo ay kamid yihiin Kenya, Itoobiya iyo Masar ay qorsheynayaan inay ciidamadooda ku sii haystaan Soomaaliya sanadka 2027-ka.

Hadallada Uganda ayaa yimid kaddib shir ay yeesheen Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika (EASF), kaas oo lagu qabtay magaalada Kampala, waxaana diiradda lagu saaray saameynta ay leedahay yaraanta dhaqaalaha ku yimid hawlgallada amniga ee Soomaaliya. Hawlgallada amni ee Soomaaliya waxaa sidoo kale culays ku haya khilaafka siyaasadeed ee sii xoogeysanaya, gaar ahaan khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka iyo maamullada qaar ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu eedeeyay inuu dalka ku hoggaaminayo siyaasad ay mucaaradku ku tilmaameen mid u janjeerta kali-talisnimo, gaar ahaan kadib tallaabooyinkii la xiriiray wax-ka-beddelka dastuurka iyo habka loo wajahayo doorashooyinka soo socda.

Mucaaradka ayaa dhaliilaya habka ay dowladda u maareyneyso arrimaha siyaasadda, iyagoo ku eedeeyay madaxweynaha inuu doonayo inuu awoodda siyaasadeed ku ururiyo gacantiisa, taas oo sii xumeysay kalsooni-darrada u dhexeysa dhinacyada siyaasadda.
Khilaafkan siyaasadeed ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada Soomaaliya laga doonayo inay si tartiib ah ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka, iyadoo AUSSOM-na ay qorsheynayso inay ugu dambeyn mas’uuliyadda amniga ku wareejiso ciidamada Soomaaliyeed.

Wasiirrada gaashaandhigga ee dalalka qeybta ka ah AUSSOM Burundi, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Kenya iyo Uganda iyo Soomaaliya ayaa hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in hawlgalka Midowga Afrika uu Soomaaliya uga baxo qaab “habsami leh oo la isku dubbariday”, si mas’uuliyadda amniga loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliya.
Wasiirka Difaaca Uganda ayaa sheegay in xasiloonida Soomaaliya ay si toos ah u saameyneyso xasiloonida gobolka iyo guud ahaan Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here