Ugu yaraan 9 qof oo ku dhintay, 45 kalena la la’yahay kadib doon ku degtay xeebaha Jabuuti

0

JABUUTI – Ugu yaraan sagaal qof ayaa dhintay halka 45 kalena la la’yahay kadib markii doon ku degtay xeebaha dalka Jabuuti, sida ay sheegtay International Organization for Migration (IOM) Khamiistii shalay.

 

Shilka ayaa dhacay habeenkii 24-ka Maarso meel u dhow xeebta waqooyi ee Jabuuti, gaar ahaan agagaarka deegaanka Ombok, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay hay’adda.

Doonta ayaa sidday ku dhowaad 320 qof xilliga ay shilku dhacayay. IOM ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan halka ay doontu ka timid ama meesha ay ku socotay.

Hay’addu waxay xustay in shilalka noocan oo kale ah ay ku soo noqnoqdaan biyaha u dhexeeya Geeska Afrika iyo dalka Yemen, halkaas oo ay maraan muhaajiriin isku dayaya inay gaaraan Bariga Dhexe iyo meelo kale.

Sannad kasta, tobannaan kun oo muhaajiriin ah oo ka yimaada Geeska Afrika — gaar ahaan Itoobiya iyo Soomaaliya — ayaa mara Jabuuti iyagoo doonaya inay gaaraan Sacuudi Carabiya iyo dalalka Khaliijka si ay u helaan fursado shaqo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here