JENEVA — Hay’adda UNICEF ayaa sheegtay in dhimista weyn ee gargaarka bani’aadannimo ay Soomaaliya ka sii fogeynayso adeegyada caafimaadka, nafaqada, biyaha, waxbarashada iyo ilaalinta carruurta, iyadoo carruurta ay yihiin kuwa ugu badan ee dhibaatadu saameyneyso.
Afhayeenka UNICEF, James Elder, ayaa sheegay in 205 xarumood oo caafimaad iyo nafaqo ah ay durba xirmeen sababo la xiriira dhimista aan hore loo arag ee gargaarka bani’aadannimo. Wuxuu hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo Jimcihii ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva.
Elder ayaa sheegay in saameynta dhimista gargaarku si gaar ah uga muuqato carruurta, iyadoo lixdii bilood ee ugu horreeyay sanadkan tirada carruurta qaba nafaqo-darrada ba’an ee la dhigay xarumaha daaweynta ay 32 boqolkiiba ka korortay isla muddadii sanadkii hore.
Wuxuu sheegay in xiritaanka xarumaha caafimaadku ay hooyooyinka iyo carruurta ku qasbeyso inay safarro dheer u galaan helitaanka adeegyada caafimaadka, taasina ay keento in daaweyntu dib u dhacdo, cudurraduna sii xumaadaan, iyadoo kordheysa khatarta dhimashada laga hortagi karo.
UNICEF ayaa sidoo kale sheegtay in Soomaaliya ay wajahayo abaar baahsan, isbeddelka cimilada, colaado iyo barakac, iyadoo sare u kaca qiimaha shidaalka iyo bacriminta uu xaaladda sii adkeeyay.
Hay’addu waxay sheegtay in dhimista maalgelintu ay keentay in adeegyada caafimaadka iyo nafaqada ay hoos u dhacaan 30 boqolkiiba, halka ku dhowaad hal milyan oo carruur ah oo ka yar shan sano, gabdhaha qaangaarka ah iyo haweenka ay halis ugu jiraan inay waayaan adeegyada nafaqada.
Elder ayaa sheegay in sanadkan la filayo in ku dhowaad 1.9 milyan oo carruur ah ay saameyso nafaqo-darro, kuwaas oo ku dhowaad nus milyan ay la ildaran yihiin nafaqo-darrada ba’an, oo ah nooca ugu halista badan.
Dhanka kale, UNICEF waxay sheegtay in in ka badan 1.6 milyan oo qof ay u baahan yihiin helitaanka biyo nadiif ah, halka in ka badan 800,000 oo qof ay halis ugu jiraan inay waayaan agabka nadaafadda aasaasiga ah.
Elder ayaa ku baaqay in la kordhiyo taageerada deeq-bixiyeyaasha, isagoo sheegay in gargaarka loo baahan yahay xilli cadaadisyada bani’aadannimo ee saameynaya carruurta Soomaaliya ay sii xoogeysanayaan.



