Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Safaaradda Somaliland ka furayay Magaalada Quddus

0

JEDDAH – Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si adag u cambaareeyay furitaanka waxa uu ku tilmaamay “Safaaradda Somaliland” ee laga furay magaalada Qudus ee la haysto, isagoo sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid sharci-darro ah isla markaana si cad u jebinaysa Axdiga Qaramada Midoobay iyo midka caalamiga.

 

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Xoghaynta Guud ee OIC ayaa lagu sheegay in Israa’iil, oo gumeysiga ku haysato dhulka Falastiin, aysan wax go’aan ah ku lahayn Qudus, isla markaana dhammaan go’aannada iyo tallaabooyinka lagu beddelayo xaaladda siyaasadeed ay yihiin kuwo aan waxba ka jirin marka loo eego sharciga caalamiga ah.

Ururku wuxuu sidoo kale dib u xaqiijiyay garab istaaggiisa buuxa ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo taageerada uu u hayo madax-bannaanideeda qaran iyo midnimada dhulkeeda.

OIC ayaa ugu dambeyntii ugu baaqday beesha caalamka inay qaadato mowqif adag oo ka dhan ah tallaabadan sharci-darrada ah ee Somaliland qaaday, isla markaana laga hortago khatarta ka imaan karta.

Shalay Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Cirro ayaa si rasmi ah safaarad uga furay magaalada Qudus, oo uu ku yaallo masjidka barakeysan Al-aqsa oo ah qibladii hore ee Muslimiinta, halkaas oo inta badan dalalka diideen inay safaarad ka furtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here