Ururka iskaashiga Islaamka oo walaac ka muujiyay xadgudubka dowladda Itoobiya

0

MUQDISHO (SMN) – Warqoraal ah oo ka soo baxay  Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa si cad loogu diiday heshiiskii is afgaradka ahaa ee dhex-maray dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland,kaa soo ay ku tilmaameen  xadgudub ka dhan ah  madax bannaanida iyo midnimada Dhuleed ee dowladda ee Soomaaliya.

 

Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Xuseen Ibraahim Daaha ayaa sheegay in si cad ay uga soo horjeedaan xadgudubka  dowladda Itoobiya ee  ka dhanka ah madax-bannaanida dhuleed Soomaaliya.

‘’Waxaa naga go’an ixtiraamka madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dawladaha xubinta ka ah OIC  si waafaqsan Axdiga Ururka Iskaashiga Islaamka iyo sharciga caalamiga ah,ka dib Heshiiska Isfahamka ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya iyo Somaliland,waana in la ilaaliyo  lana ixtiraamo madax-bannaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed,si loo helo amniga, nabadda, iyo xasilloonida gobolka ah”.waxaa sidaas lagu yirii qoraalka ka soo baxay Ururka Iskaashiga Islaamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here