Ururka Midowga Afrika oo ka horyimid ceyrintii Madeira

0

ADDIS ABABA (SMN) – Guddoomiyaha Midoowga Afrika Muuse Faqi ayaa sheegay in uu kalsooni buuxda ku qabo ergeyga u qaabilsan Soomaaliya danjire Francisco Madeira , isaga oo walaac ka muujiyay war murtiyeedkii xafiiska Ra’isulwasaaraha ee lagu sheegay in Madeira dalka looga eryay.

Guddoomiye Muuse ayaa dhanka kale bogaadiyay go’aankii madaxweyne Farmaajo uu ku sheegay in danjire Madeira uu dalka sii joogayo, hayana shaqo wanaagsan.

Hadalka guddoomiyaha ayaa ka dhigan in Madeira uu dalka sii joogayo , xilli la taliyaha Ra’isulwasaaraha Kamaal Guulaate uu dhowaan BBC-da u sheegay in ay filayaan in Midoowga Afrika ay dalka ka kaxeeyaan Madeira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here