Ururka Xamaas oo sharuudo ku xiray Israa’iil

0

Ururka Xamaas ayaa sheegay in loo baahan yahay in ay joojiso Yuhuudda gardarrada ay ku hayaan dadka reer Falastiin cidii doonaysa in ay dhexdhexadiso Falastiin iyo Isra’iil.

Casat Al-Rishqi, oo ah xubin katirsan xafiiska siyaasadeed ee dhaqdhaqaaqa Xamaas, ayaa shaaca ka qaaday, in ay jiraan dhinacyo waddo dadaalo ay ku doonayaan sidii loo heli lahaa xasilooni u dhexeeysa Israa’iil iyo Falastiin, gaar ahaan xaalada ka taagan Marinka Qasa iyo Qudus, balse waxuu sheegay in dhankooda ay ku  wargeliyeen in marka hore  Yahuudda ay joojiso weerarada gardarada ah ee ay ku soo qaaday dhulka Falastiin.

”Go’aankeenna waa in marka hore la joojiyo weerarada  gardarrada ah ee ay wadaan xoogaga Sahyuuniyadda, sida duqeymaha bahalnimada ah ee lala beegsanayo dadka rayidka ah ee Marinka Qasa”, ayuu yiri: Al Rishqi.

“Waxaan uga dignay Ciidamada Yahuudda inay sii wadaan falalka gardarada ah ee ay ku ahayaan shacabkeena, haddii kale waxay naga filandoonaan jawaab ay ku tijaabin doonaan dulqaadka iyo naxdinta” sidaas waxaa lagu yiri Bayaan ka soo baxay Xamaas.

Dadka Falastiiniyiin ayaa beryahii danbe la kulmayay  weerarro joogtada ah oo u badan duqeymo, kuwaa oo intooda badan ka dhacay marinka Qasa iyo Qudus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here