MAXAAS (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo degmada Maxaas kulamo kula qaatay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka reer Hiiraan ayaa isku afgartay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Shabaab.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale bulshada gobolka Hiiraan ku bogaadiyay doorkooda wanaagsan ee la dagaalanka Al-Shabaab, isaga oo tilmaamay in Soomaaliya leedahay hal cadow oo caqabad ku ah jiritaanka iyo horumarinta dalka, kaas oo ah Al-Shabaab.
Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in loona baahanyahay in laga gudbo kala aragti-duwanaashaha wiiqaya midnimada ummadda si guulo macno leh looga gaaro halganka dib u xoreynta dalka.
Dhankooda, siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee Madaxweynaha la kulmay ayaa soo soo jeediyay talooyin iyo aragtiyo ku aaddan dagaalka Al-Shabaab, iyaga oo ballan qaaday in ay qaadandoonaan doorkooda halganka dalka lagu xoreynayo.
Heshiiskan ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan, madaxweyne ku xigeenka HirShabelle, Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), xildhibaano ka soo jeeda gobolka Hiiraan iyo odayaasha dhaqanka ee Beesha Xawaadle.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-