Villa Soomaaliya oo war kasoo saartay geerida Marxuum Ismaaciil Maxamuud

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa ehelka, qaraabada, asxaabta iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Marxuum Ismaaciil Maxamuud Shidane oo maanta ku geeriyoodey magaalada Muqdisho.

Marxuum Ismaaciil Maxamuud Shidane, waxa uu ka mid ahaa dhallinyarada firfircoon ee ka soo laabatay dalka dibaddiisa, isaga oo door weyn ka qaadan jiray wacyigelinta bulshada iyo hawlaha isxilqaanka ee dib loogu dhisayey dalka. Alle ha u naxariisto, hoygiisana ha ka yeelo Jannatul Firdowsa.

DHAMMAAD.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here