Waa kuma wasiirka cusub ee arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya?

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta u magacaabay wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ahaa wasiirka arrimaha Gudaha XF kadib isku shandheyn iyo magacaabis lagu sameeyay golaha wasiiradda.

 

Haddaba hoos ka akhriso xogta wasiirka magacaabam ee wasaraadda arrimaha dibadda Soomaaliya

Danjire Axmed Macallim Fiqi, Wasiirka cusub ee Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, waxaa u leedahay khibrad waxbarasho o xagga amniga, maamulka iyo xiriirka caalamiga, waxaa kale u heerar kala duwan ugu soo shaqeeyay qaranka, isaga 0o soo nogday;

1. 2011: Safiirka Soomaaliya ee Suudaan

2. 2013: Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

3. 2020-2021: Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Goboleedka Galmudug.

4. 2016-2022: Xildhibaanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

5. 2022-2024: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka lyo Dib-u-heshiisiinta XFS.

Danjire Axmed Fiqi waxaa uu khibrad durugsan u leeyahay arrimaha horumarinta, siyaasadda, xallinta khilaafaadka iyo dimoqoraadiyadeynta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here