Waa sidee saaka xaaladda magaalada Guriceel?

0

GURICEEL (SMN) – Xaalad kacsanaan aha ayaa lagu soo warramayaa inay weli ka taagan tahay magaalada Guriceel, halkaas oo ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo iska horjeedo.

Wararka ayaa sheegaya in ganacsiga magaalada uu intiisa badan xiran yahay, isla-markaana ganacsatada ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka dhaco halkaasi.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa intooda badan isaga barakacay gudaha Guriceel, waxayna haatan ay ku sugan yihiin duleedka magaaladaasi.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa haatan ku sugan Guriceel, iyaga oo difaacyo ka sameystay, halka ciidanka Galmudug ay iyaguna dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan duleedka magaaladaas.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac, waxaase isa soo taraya baaqyada la xiriira nabadda ee loo dirayo madaxda Galmudug iyo hoggaanka sare ee Ahlu Sunna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here