Ciidamada xoogga oo howl-gallo ka wada gobolka Shabeelaha Dhexe

0

JOWHAR (SMN) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howl-gallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shbaab ka wada gobolka Shabeelaha Dhexe ee HirShabelle.

Taliyaha qeybta 27-Aad ee ciidanka xoogga dalka General Maxamed Axmed (Tareedisho) oo kormeer shaqo ku maraya gobolka ayaa tagay deegaanka Xaaji Cali iyo degmada Warsheekh, waxuuna ciidanka dowladda kula dardaarmay inay xoojiyaan howl-galladooda.

“Waxaa la idinka rabaa idinkoo u turaya shacabka inaad sii labo jibaartaan howl-gallada lagula dagaalamayo Al-Shabaab,” ayuu yiri taliye Tareedisho.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Xoogga ee ku sugan deegaanada HirShabelle ay laba jibaari doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa milatariga ayaa dhaq-dhaqaaqyo culus ka waday deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here