Waaberi iyo Dharkenley oo ku baratamay tartan aqooneedka Shabelle

0

Degmooyinka Waaberi iyo Dharkenley ee gobolka Banaadir ayaa xalay ku baratamay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle.

Labada degmo oo ku wada jira group-ka D ayaa waxa ay soo bandhigeen tartan aad u xiiso badan, hayeeshee waxa ay guushu raacday tartamayaasha degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Dharkenley ayaa heshay dhibco gaaraya 8, halka Warta Nabadda ay keensatay 10 buundo, sida uu ku dhowaaqay natiijada Cali Cumar Cabdalla oo ka mid ah guddiga tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle.

Sanadkan waxaa tartan aqooneedka Shabelle taaba-gelineysa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ka mid ah shirkadaha waa weyn ee ka howl-gala dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here