Wadamada G7 oo war cusub kasoo saaray xiisadda Somalia iyo Itoobiya

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada G7 ayaa walaac ka muujiyay Heshiiska beenaadka sharci darada ah ee la sheegay inuu dhexmaray Itoobiya iyo Maamulka Gobalada Waqooyi oo qayb ka ah Soomaaliya bishii Janaayo ee sanadkaan.

 

Wadamada G7 ayaa ku adkaystay in la ilaaliyo sharciyada Caalamiga ah Madaxbaaanida iyo Qaranimada ee ku cad cahdiga Qaramada Midoobay.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaalia Cali Balcad ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhowaynayso sida ay G7 uga go’antahay nabadda geeska Afrika iyo taageeradooda ku aadan taageerada argagixisada iyo ilaalinta sharciyada caalamiga ah kuwaas oo muhiim u ah nabada iyo xasiloonida ee geeska Afrika.

Dhinaca kale Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada G7 ee Kanada, faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga Jaban, Boqortooyada UK Maraykanka iyo Ergayga Midowga Yurubka ayaa bogaadiyay horumarada lixaadka leh ee Soomaaliya ay ka samaysay dhanka Hay’adaha dhaqaalaha iyo ammaanka.

Sidoo kale waxay ku dhiiragaliyeen dowladda Soomaaliya inay sii wado oo ay sii laba jibaarto ka guul gaarirada dagaalka socda ee ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo dhanka kale wasiiradu ay soo dhoweeyeen qorshayaasha ay wadaan dowladda Soomaaliya iyo midowga Afrika ee ku aadan hormarinta qorshaha dowladdu ay kula wareegayso ammaanka wadanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here