Waddadii burbursaneyd ee Via Liberia oo la dhisay + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray dhismaha Waddada Laamiga Via Liberia ee Degmada Waaberi oo lagu dhisay isku tashiga Bulshada iyo Barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal dollar.

 

Munaasabadda Xarigjarka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Taliye Kuxigeenka Ciidanka ilaalinta Deegaanka Xamar iyo Maamulka Degmada Waaberi.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu baaqay bulshada caasimadda in ay ka qeyb qaataan Amniga iyo horumarka Caasimadda.

— DHAMAAD —

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here