Wafdi hordhac u ah ra’iisul wasaaraha oo gaaray magaalada Jowhar

0

Wafdi ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jiray  wasiirro iyo xildhibaanno hordhac u ah socdaalka Ra’iisal wasaare Rooble ayaa goordhow gaaray magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe.

Wafdigaasi oo ay ka mid ah Wasiirad Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Gargaarka iyo masiibooyinka , waxaa  lagu soo dhoweeyay fariisinka ciidamada AMISOM ee xaafadda horseed oo ka tirsan Degmada Jowhar.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa saacadaha soo socda la filaaa inuu gaaro magaalada Jowhar,iyadoo magaaladaasi ay ka socdaan qababqaabo ku aadan soo dhoweynta raiisul wasaaraha iyo wafdiga uu hoggaaminaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here