Wafdi ka socda Aqalka Sare oo Ka Qeyb Galay Shirweynaha Baarlamaanka Carabta ee Qaahira

0

Qaahira, Masar – Wafdi heer sare ah oo ka socda Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 8-aad ee Baarlamaanka Carabta iyo Guddoomiyaasha Baarlamaannada Carabta, kaas oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira ee dalka Masar.

 

Wafdiga Soomaaliya waxaa hoggaaminayay Senator Cabdixakiim Macallim Axmed Maalin, oo intii uu shirku socday khudbad ka jeediyay madasha, kuna soo bandhigay aragtida Soomaaliya ee ku aaddan muhiimadda iskaashiga dalalka Carabta.

Senator Cabdixakiim ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo xoojinta iskaashiga dhinacyada isbeddelka dhijitaalka ah, ilaalinta xogta qaranka, horumarinta amniga internet-ka iyo dejinta sharciyo casri ah oo la jaanqaadaya horumarka tiknoolajiyadda.

Shirweynaha ayaa sidoo kale ansixiyay qaraarro dhowr ah, oo uu ku jiro qaraar si gaar ah u taabanaya Soomaaliya, kaas oo lagu cambaareeyay Israa’iil, laguna muujiyay diidmada faragelinta iyo xadgudubyada lagu sheegay inay ka waddo dalalka Carabta, gaar ahaan Soomaaliya, Lubnaan iyo Suuriya.

Qaraarka ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay ixtiraamka madaxbannaanida dalalka, ilaalinta midnimada dhuleed, iyo u hoggaansanaanta sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Gabagabadii, qaraarrada iyo talooyinka laga soo saaray shirkan ayaa loo gudbin doonaa madaxda dowladaha Carabta si loogu tixgeliyo Shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta ee soo socda.May be an image of dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here