Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray magaalada Addis Ababa + Sawirro

0

ADDIS ABABA (SMN) – Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa XALAYbooqasho rasmi ah ku tegay magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Ethiopia.

 

Wasiirka oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kala duwan ayaa waxa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Dalka Ethiopia, isagoo casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Ethiopia.

Wafdiga Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxda katirsan Dowlada Ethopia iyo  Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ethiopia.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here