Mauritania – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibada XFS Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Mauritania Maxamed Waled Sheeikh Alqazwaani, isagoo gaarsiiyay fariin salaan ah oo uu ka siday Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimha Dibadda Soomaaliya Ahna Ergayga gaarka ee Madaxweynaha JFS,oo ku sugan dalka Mauritania ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha Dalkaas Xaalada dalka, iyagoo kawada hadlay adkaynta xiriirka labada wadan.
Kulankaan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Madaxtooyadda, Wasiirka Arrimha Dibadda Mauritania, Lataliyaha sare ee Madaxweeynaha Mauritania iyo Danjiraha DFS ee anan deggeneyn dalka Mauritania, Mudane Yuusuf Axmed Xasan.
Wasiiru-Dowlaha Arrimaha dibada Soomaaliya Cali Maxamed Cumar ayaa boqoshadiisa Mauritania ku salaysan tahy adkaynta Xiriirka labada Wadan ee Walaalaha ah Soomaaliya iyo Mauritania.



