Wafdi ka socda Koonfur Galbeed oo gaaray Baraawe + Sawirro

0

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada Koonfur Galbeed, Mudane Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) ayaa maanta oo Jimco ah gaaray magaalada Baraawe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka waxaa garoonka diyaaradaha Baraawe ku soo dhaweeyay, Guddoomiyaha Degmada Baraawe, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Taliyaha Booliska iyo Mas’uuliyiin kale.

Wasiir Ilyaas Qalinle oo xarunta Degmada kula hadlay qaar kamid ah Bulshada magaalada ayaa ka Mahadceliyay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Baraawe.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa xusay in socdaalkiisa Baraawe uu la xiriiro howlo shaqo oo muhiim ah, wuxuuna sheegay inta uu ku suganyahay magaalada uu kulamo la qaadan doono Mas’uuliyiinta Maamulka iyo Bulshada qeybaheeda kala gedisan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here