Wafdi Sare oo ka Socday Ciidanka Cirka Pakistan oo Muqdisho ka Ambabaxay Kaddib Booqasho Shan Maalmood ah

0

MUQDISHO – Wafdi sare oo ka socday Ciidanka Cirka Pakistan (Pakistan Air Force – PAF) ayaa dib ugu laabtay Islamabad, kaddib markii ay soo gaba-gabeeyeen booqasho shaqo oo shan maalmood ah oo ay ku joogeen Soomaaliya.

 

Intii ay booqashadu socotay, wafdigu wuxuu kulamo heer sare ah la yeeshay madaxda dalka iyo hoggaanka Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, kuwaas oo diiradda lagu saaray dib-u-dhiska iyo horumarinta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, kobcinta awoodaha hay’adeed iyo xirfadeed, iyo xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Booqashadu waxay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Pakistan, iyadoo labada dhinac ay isla qaateen sii wadidda wada-shaqaynta iyo taageerada qorshayaasha horumarineed ee Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, oo uu weheliyo Taliyaha Taliska Hawlgallada Wadajirka ah, General Maxamed Cali Bariise, ayaa wafdiga ka sagootiyey Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here