Wafdi uu hoggaaminayo Aadan Madoobe oo gaaray Baydhabo

0

Baydhaba – Magaalada Baydhabo ayaa maanta lagu soo dhoweeyay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna musharrax madaxweyne ee Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur.

 

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku qaabilay hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin kala duwan, siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada.

Ujeeddada safarka wafdigan ayaa lagu sheegay xoojinta wadatashiyada siyaasadeed iyo ka qeybgalka geeddi-socodka doorashooyinka ka socda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay ka go’an tahay qabashada doorasho xor ah, hufan oo waafaqsan dastuurka, isla markaana ay soo dhoweynayaan dhammaan musharraxiinta.

Dhankiisa, Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay shacabka Baydhabo soo dhoweynta diirran, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda midnimada, wada shaqeynta iyo xasilloonida siyaasadeed si loo gaaro horumar waara.May be an image of one or more people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here