Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti oo booqasho ku yimid Muqdisho

0

MUQDISHO – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Xasan Cumar Maxamed.

 

Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti iyo wafdigiisa ayaa caasimadda Muqdisho u yimid ka qaybgalka kalfadhiga 35-aad ee Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Amniga ee Ciidanka Heeganka Bariga Afrika (EASF), shir muhiim ah oo ay martigelinayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan heer gobol ayaa isu keenaya hoggaanka gaashaandhigga dalalka Bariga Afrika, si ay uga wada hadlaan caqabadaha amniga, iskaashiga istaraatiijiyadeed iyo xoojinta wada-shaqeynta dhinaca nabadgelyada.

Imaatinka wafdiga Jabuuti ayaa muujinaya muhiimadda uu shirku leeyahay, maadaama uu yahay madal muhiim ah oo dalalka xubnaha ka ah EASF ay ku mideeyaan aragtiyahooda ku aaddan qorshaha hawlgal ee 2026 iyo qiimeynta guud ee xaaladda amni ee gobolka.

Soo dhaweynta garoonka Aadan Cadde ayaa sidoo kale ka tarjumaysa xiriirka walaaltinimo ee adag ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo sida ay labada dal uga go’an tahay xoojinta nidaamka amni ee wadajirka ah ee gobolka.

Kalfadhiga wasiirrada ayaa ah gunaanadka kulamo taxane ah oo toddobaadkan ka socday Muqdisho, kuwaas oo ay horey u yeesheen khubarada farsamada iyo Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca ee dalalka xubnaha ka ah EASF.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here