Faah faahino kasoo baxaya qaraxii ka dhacay wadada 21-ka October

0

MUQDISHO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo laga maqlay meelo kala duwan.

Qaraxa oo ahaa mid is-miidaamin ah ayaa waxa uu ka dhacay wadada 21-ka October ee degmada Waabari, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Sidoo kale warar ay heshay Shabelle ayaa sheegaya in qaraxan uu ka bad-baaday guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir Cali Yare oo xilligaas marayey wadada, waxaana wareysi kooban oo aan la yeelanay ku xaqiijiyey inuu haatan caafimaad qabo.

Waxaa sidoo kale goobta marayey saraakiil ka tirsan howl-wadeenada Qaramada Midoobay iyo illaalo la socotay, kuwaas oo la sheegay in weerarka lala damacsanaa.

Ugu yaraan waxaa qaraxan ku dhintay ku dhowaad 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen 14 kale, sida uu xaqiijiyey afhayeenka Booliska Soomaaliya.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxaana ay shaacisay inay khasaare ku gaarsiisay kolonyo ay wateen saraakiil Cadaan ah.

Xaaladda goobta ayaa haatan deggan, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomalaiya.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here