Qarax is-miidaamin ah oo goordhow ka dhacay magaaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goordhow ka dhacay wadada Maka Al-Mukarramada ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya ayaa shaaciyey in qaraxa uu ahaa is-miidaamin, isla-markaana uu fuliyey nin isku soo xiray walxaha qarxa.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qaraxa lala beegsaday gaari uu watay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallmimuu.

Xaaladda goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana sidoo kale gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here