Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho + khasaaraha

0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo caawa ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay meelo badan oo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in qaraxa uu fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qarxa, kaas oo beegsaday maqaaxi ku taalla halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan illaa 5 qof oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Aagga qaraxa uu ka dhacay ayaa ka mid ah goobaha sida aadka ah amnigooda loo sugo ee caasimadda, waxaana ka dhow xarunta sirdoonka Soomaaliya iyo sidoo kale tan booliska gobolka Banaadir.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here