Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka ka socda magaalada Laascaanood

0

LAASCAANOOD (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo weli ka socda duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

 

Dagaalkan ayaa lagu soo warramayaa inuu ku fiday deegaano horleh oo dhaca galbeedka magaaladaasi, kaas oo u dhexeeyo ciidanka Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatuma.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan la’isuku adeegsanayo hubka noocyadiisa kale duwan, balse ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Sidoo kale waxaa jirta duqeyn xoogan oo barbar socota dagaalkan, taas oo uga sii dareyso xiisadda ka taagan halkaasi.

Si kastaba, xaaladda magaalada Laascaanood ayaa daganeyd muddooyinkii u dambeeyay, balse dagaallada ayaa markale dib u billowday, kuwaas oo ku sii fidaya deegaano horleh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here