LAASCAANOOD (SMN) – Waxaa weli isa soo taraya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay bariga magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Dagaalkan oo qaatay in ka badan 10 saacadood ayaa soo billowday shalay, wuxuuna soo gaaray illaa xalay, kaas oo sababay khasaarihii ugu xooganaa.
Dhimashada ayaa lasoo wariyay inay gaartay illaa 20 qof, halka dhaawacuna uu intaas ka sii badan yahay, sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.
Labada dhinac oo ka hadlay dagaalka ayaa sidoo kale guullo waa weyn ka kala sheegtay, kuwaas oo weli isku horfadhiga aagga lagu dagaalamay.
Xaaladda ayaa lagu soo warramayaa inay saaka dagan tahay, balse mar kasta waxaa la filan karaa, maadaama ay weli difaacyo isugu jiraan ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC.