Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo kulan la yeeshay madaxda IMF + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Biixi Iimaan Cige ayaa kulan is-xog wareysi ah la yeeshay Madaxda Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo kooxda qaabilsan hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo hada meel gabo-gaba ah maraya.

 

Kulan kaan oo lagu qabtay aaladda fogaan araga ayaa diiradda lagu saaray qodobada mudnaanta gaar ka ah leh ee haatan hor yaala wasaaradda maaliyadda XFS oo ay ka mid yihiin horumarinta iyo dib-u-habeynta maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in wasaaraddu ay ka go’an tahay horumarinta maaliyadda, xoojinta dakhliga gudaha iyo ku dhaqmida nidaamka Maamulka Maaliyadda Guud ee PFM.

Mudane Biixi Iimaan Cige oo dhawaan la wareegay shaqada Wasaaradda Maaliyadda ayaa ku dadaalaya dar-dar galinta shaqooyinka maaliyadda oo ay ugu horeeyaan dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo daadajinta hufnaanta maamul wanaaga maaliyadda dalka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here