Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka magaalada Laascaanood + Khasaaraha

0

LAASCAANOOD (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo maanta iyo shalay ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

 

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka socdo bariga magaaladaasi, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatuma.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in dagaalka oo goos goos ah ay labada dhinac isku weydaarsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale waxaa jirta duqeyn xoogan oo barbar socota dagaalkan, taas oo uga sii dareyso xiisadda ka taagan halkaasi.

Dagaalkii shalay oo soo gaaray illaa xalay ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 5 qof oo isugu jiro askar iyo shacab, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 kale.

Si kastaba, xaaladda magaalada Laascaanood ayaa daganeyd muddooyinkii u dambeeyay, balse dagaallada ayaa markale dib u billowday, kuwaas oo ku sii fidaya deegaano horleh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here