Wararkii ugu dambeeyay hoobiyeyaasha saaka lagu gaaracay garoonka Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal oo saaka aroortii hore lagu qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare dhaawac ah.

 

Hoobiyeyaasha oo saddex ahaa ayaa lasoo wariyay in qaarkood ay ku hoobteen gudaha garoonka, waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan illaa laba qof oo ka tirsan shaqaalaha hay’addaha duulista rayidka Soomaaliyeed, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in weerarkan uu saameyn ku yeeshay shaqada garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde, maadaama goobta laga dareemay xaalad amni, hayeeshee haatan xaaladda ayaa caadi kusoo laabtay, waxaana si caadi ku socota shaqada garoonka.

Illa hadda lama oga halka laga soo tuuray hoobiyeyaasha oo dhawaqooda laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Sidoo kale ma jiro wax faahfaahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya ka bixiyeen weerarka ka dhacay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo kamid ah ilaha dhaqalaha ugu weyn dowladda waxuu waayadaan dambe soo jiidanayay indhaha caalamka, ayadoo diyaaradaha caalamiga ah ee duulimaadka ka billaabay ay kordheen.

Weerarrada lagu qaado garoonka diyaaradaha iyo xarunta Xalane waxa ay ka saammayn badanyihiin kuwa ay sida joogtada ah Al-Shabaab uga fuliyaan Muqdisho dhexdeeda, waxaya sidoo kale weeraradoo kale ku qaada dhismaha madaxtooyada iyo baarlamaanka.

Inta badan hoobiyeyaasha ay Al-Shabaab Muqdisho ku garaacdo wuxuu khasaaraha ugu badan ka soo gaaraa dadka rayidka ah, ayada oo la xasuustii weerarkii madaafiicda ee bishii April ka dhacay degmada Waabari, kaas oo lagu dilay Macallin Dugsi Qur’aan iyo gabar uu dhalay, halka uu dhaawac soo gaaray xaaskiisa iyo laba carruur ah oo kale.

Si kastaba, falkan ayaa ka ka noqonayo weerada haatan ka dhacaya magaalada Muqdisho, xilli ay dhankooda howlgallo ka wadaan ciidamada booliska iyo kuwa xasilinta.

Ciidamada ayaa horay howlgal uga sameeyeen duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan Garasbaaley waxay ku soo qabteen qoriga hoobiyaha iyo rag ka tirsan Al-Shabaab, hadane weli waxaa sii soconayo weerarada hoobiyeyaasha ee ka dhacaya gudaha caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here