DHUUSAMAREEB (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidanka dadka deegaanka oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaanka Qodqod oo hoostaga magaalada Baxdo.
Dagaalka ayaa waxaa qaaday dadka deegaanka oo weeraray saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, waxaana kadib qarxay dagaal culus oo u dhexeeyay labada dhinac.
Xoghayaha maamulka Baxdo, Cabdullaahi Nuur Maxamed oo la hadlay Shabelle ayaa sheegeeay in guullo ay ka gaareen dagaalkaasi, ayna ku jabiyeem xubanah Al-Shabaab.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dagaalka ay mar dambe kusoo biireen ciidanka Xoogga dalka, khasaare lixaad lehna lagu gaarsiiyay xubnaha Al-Shabaab.
Cabdullaahi Nuur Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in goobta ay ugu tageen maydadka 10 xubnood oo ay ka carareen xubanaha Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.
Baxdo ayaa kamid ah deegaanada looga adkaaday Al-Shabaab, kadib dagaallo culus oo ay la galeen dadka deegaanka, waxaana magaaladan dhowr jeer ka dhacay dagaallo culus.
Si kastaba, Al-Shabaab ayaa xilligan dagaalkii ugu cuslaa wuxuu uga furan yahay Galmudug, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada isbaheysanaya ee Xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka, ayada oo lagu xoreeyay deegaano iyo magaalooyin muhiim ah oo ku yaalla gobollada dhexe ee dalka.
Si kastaba, waxaan dagaalladan qayb ka ah madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhowaad 50 cisho ku sugan Dhuusamareeb oo uu ka hagayo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.