DF oo shaacisay in howlgal lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa looga halay howlgal culus oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaanka Qodqod, kaas oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

 

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka, isla-markaana lagu dilay 30 ka tirsanaa Al-Shabaab.

Dowladda ayaa sodoo kale sidoo kale sheegtay in hub iyo gaadiid dagaal ay kusoo furatay howlgalkaasi

“Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa Khawaarijta ka qabsaday deegaannada Sargo iyo Qodqod oo ka tirsan Gobolka Mudug. Hawlgalkaasi waxaa lagu dilay in ka badan 30 Khawaarij ah, iyada oo sidoo kale cadawga looga gubay afar gaari, lagana qabsaday labo gaari iyo hub badan” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here