Ahlu sunna iyo Galmudug oo saaka ku dagaalamaya Dhuusamareeb

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlu Sunna oo saaka ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in weli rasaas teel-teel ah laga maqlayo halkaasi, waxaana dadka deegaanka ay bilaabeen barakac xoogan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca ay weerar culus ku qaadeen caasimadda Galmudug, iyaga oo gudaha u galay xaafado ka mid ah magaaladaasi, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan ururkaasi.

Dhinaca kale wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug, Axmed Shire Falagle oo wareysi gaar ah siiyey Shanelle ayaa ka warbixiyey dagaalkaasi, wuxuuna sheegay inay iska difaaceen weerar uga yimid Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna, sida uu hadalka u dhigay.

“Al-Shabaqb iyo Ahlusunna ayaa soo weeraray Dhuusamareeb, waana ka difaacnay,” ayuu wareysiga ku yiri wasiir Axmed Shire Falagle.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here