Wararkii ugu dambeeyey doorashada Golaha Shacabka ee HirShabelle

0

JOWHAR (SMN) – Guddiga Maamulka dorashooyinka ee dowlad Goboleed Hir-Shabeelle ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta ay Magaalada Jowhar ku qabtaan doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah Soomaaliya.

Guddiga ayaa shalay Gelinkii dambe soo geba-gabeeyay diiwaangelinta musharrixiinta ku tartamaya doorashada lixda Kursi,waxana hada jowhar ka soconeyso qaban qaabada doorashada lixda kursi oo ay Musharaxiin dhowr ah ku tartamayaan.

Kuraasta maanta Jowhar lagu dooranayo ayaa noqoneyso kuraastii ugu horreeysay ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad oo Maamulka Hir-Shabeelle uu qabto, iyadona si dar dar leh ay ku socoto doorashada xildhibaanada si loo dhaqan galiyo jadawalkii doorashada oo ay ku heshiyeen madaxdii Golaha wadatashiga Qaran  ee ahaa in ugu dambeyn 25-febaray lagu soo gaba gabeeyo doorashada dalaka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here