Wararkii ugu dambeeyey ee khasaaraha ka dhashay dagaalkii Galgaduud

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya inuu kordhay khasaaraha ka dhashay dagaal shalay gelinkii dambe ka dhacay Kaxandhaale oo ka tirsan gobolkaas oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

Dagaalkan oo ahaa mid culus ayaa wuxuu u dhexeeyey laba maleeshiyo beeleed oo xoolo dhaqato ah, kuwaas oo weli isku horfadhiya goobihii lagu diriray.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan illaa 6 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 15 kale oo isugu jiro dhinacyada diriray iyo dad shacab ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaase socda dadaallo nabadeed oo ay wadaan Galmudug iyo waxgaradka deegaanka, si loo qaboojiyo dagaalka labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here