MUQDISHO (SMN) – Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa ka warbixiyey qaban qaabada munaasabadda xil wareejinta Madaxweynaha Cusub Xasan Sheekh Maxamuud.
Xaashi ayaa sheegay in guddiga loo xil-saaray qabashada munaasabadda uu wado diyaar garowgii ugu dambeeyey, isla-markaana ay beri dhaceyso xil wareejinta.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in munaasabadda ay tahay mid weyn, isla-markaana ay kasoo qaib-geli doonaan madax kala duwan.
Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad loo doortay Madaxweyne ayaa kusoo baxay doorashadii Madaxtinimo ee 15 bishaan May ka dhacday Teendhada Afisyoon.