Sawirro: Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay magaalada Marka

0

MARKA (SMN) – Ciidanka xooga dalka Soomaliyeed ayaa xalay howgal ay ka sameyen magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku soo qabteen sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgankan oo ay fuliyeen ururka 14 aad, guutada 14 October ee fadhigoda yahay magaalada Marka ee casimada gobalka Shabeellaha Hoose ayaa lagu soo qabtay Madaxa miinooyinka ee Al-Shabaab u qaabilsanaa Marka, kaas oo lagu magacaabo Aweys Mayow Axmed, oo ku magac dheer Aweys Eelaay.

Aweys Eelay ayaa markii la soo qabanayey ku howlanaa sidii uu u aasi lahaa miino nooca dhulka ah, sida ay shaaciyeen saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here