Wararkii ugu dambeeyey ee safarka Madaxweynaha ee Dhuusamareeb

0

MUQDISHO (SMN) – Qaban-qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku wajahan Galmudug ayaa laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb.

Amniga Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay, qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku jira diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee ay kusoo dhoweynayaan Madaxweynaha JFS.

Madaxweyne Xasan  ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda gaaro Dhuusamareeb, wuxuuna kulamo la yeelan doonaa madaxda Galmudug iyo qaybaha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here