Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Beledweyne oo ciidamo ay la wareegeen

0

BELEDWEYNE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Beledweyne, kadib markii lagu arkay ciidamo hubeysan.

Ciidamada ayaa la sheegay in la wareegeen qaybo ka mid ah magaalada, sida hoolka ay ka socoto doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in ciidamadan ay kasoo horjeedaan in shaqsi gaar ah loo xiro kursiga tirsigiisu yahay HOP#059 ee baarlamaanka Soomaaliya.

Arrintan ayaa ku soo aadeyso, iyada oo maanta lagu waday iney halkaasi ka dhacdo doorashada kursiga HOP#058 oo ay isku diiwaan geliyeen ilaa todobo musharax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here