Xaaladda magaalada Boosaaso oo saaka deggan & wada-hadallo billowday

0

BOOSAASO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta xaalad deganaasho ah laga dareemayo magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa socda waan-waan ay wadaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada Puntland oo xal u raadinayo xiisadda ka taagan halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in siyaasiyiintu ay kulamo kala duwan la yeesheen labada dhinac si loo xalliyo is-maran-waaga ka taagan xilka qaadista Agaasimihii hay’adda PSF-ta

Sidoo kale kulamada ku saabsan xallinta murankaas ayaa lagu wadaa in ay sii socdaan inkastoo aysan weli jirin wax natiijo ah oo laga gaaray waan-waanta labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here