Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda degmada EYL

0

GAROOWE (SMN) – Degmada Eyl ee Gobalka Nugaal waxaa ka taagnaa 48dii saac ee ugu danbaysay Xiisad ka dhalatay Doorashada Guddoomiyaha Degmadaasi oo ay soo dooran lahaayeen Gole deegaan oo ay dadku codkooda ku soo doorteen.

Koox dabley hubaysan ah ayaana qabsatay Goobtii loo Balan sanaa in ay Doorashada Guddoomiyaha degmadu ka dhacdo kuwaasi oo garab u ahaa labada musharax ee u taagan jagada Guddoomiyaha degmada Eyl ee Gobalka Nugaal kuwaasi oo xisbi ahaan ka wada tirsan Xisbiga dowlada ee KAAH.

Wax garadka dagmada, Masuuliyiin ka socotay Wasaaradda arrimaha Guddaha Puntland, iyo Guddoomiyaha Gobalka Nugaal oo isna gaaray degmadaasi ayaa bilaabay dadaalo arrintan xal looga gaarayo doorashaduna ay ugu dhici lahayd si wada jir ah.

Kulamo kala duwan oo ay la qaateen mas’uuliyiintan ka tirsan Dowladda, labada Musharax ee tartamaya iyo wax garadka degmada Eyl oo wada jira ayaa galinkii danbe ee xalay isla qaatay in Ciidamada laga qaado Goobta doorashada is faham waaga jirana xal loogaga gaaro.

Lama cadayn waqtiga doorashada maadaama waqtigii hore ee jadwalkeedu ahaa khamiistii ayna dib u dhac ku keentay shaqaaqada ka dhacday degmadaasi.

Eyl waxa ay ka mid ahayd sadexdi degmo ee ugu horaysay ee ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ahi taasi oo ay bulshadu ku soo dooranayren xildhibaaanada Golaha deegaanka ee Degmooyinkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here