Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda magaalada Beledweyne

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, kadib markii ay xalay la wareegeen xarunta maamulka ciidamo la magac baxay bad-baadada Hiiraan.

Ciidamadan ayaa ka tirsan guutada 5-aad, qaybta 27-aad ee ciidamada Xoogga Dalka, waxayna u abaabulan yihiin hab beeleed, iyada oo uu hoggaaminayo Korneyl Cabdullaahi Cilmi Barre oo dhawaan laga qaaday xilka abaanduulaha ee guutadaasi.

Banaanbaxyo ayaa sidoo kale ka dhacay xaafado ka tirsan magaalada, kuwaas oo looga soo horjeeday safarka la filayo inuu halkaasi ku tego madaxweynaha HirShabelle.

Sidoo kale wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in saaka ay socdaan dadaallo ay wadaan odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka, si loo qaboojiyo xiisaddaas.

Beledweyn ayaa ka mid ah magaalooyinka loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka dalka ee 2021-ka, gaar ahaan tan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here