Wararkii ugu dambeeyey safarka Fahad Yaasiin ee Beledweyne

0

BELEDWEYNE (SMN) – La-taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, isaga oo u sharraxan kursiga tirsigiisu yahay HOP#086 ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in goor sii horreysay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ay gaareen ciidamo ilaalo u ah Fahad Yaasiin, kuwaas oo diyaarad looga qaaday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Sidoo kale ergada ka qayb galeysa doorashada kursiga uu u tartamayo La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa lagu soo warramayaa in iyaguna la geeyey degmada Beledweyne.

Doorashada ayaa qabsoomi doonto maalinta Axada ah, waxaana kursiga HOP#086 horey ugu fadhiyey Faarax Sheekh Cabduqaadir oo ahaa wasiirkii hore ee cadaaladda ee dowladdii uu horkacayey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here