Wararkii ugu dambeeyey weeraro iyo qaraxyo xalay ka dhacay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khadaaraha ka dhashay weeraro ku billowday qaraxyo iyo dagaal toos ah oo xalay ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo deegaano dhaca duleedkeeda.

Weerarka koowaad oo qarax ku billowday ayaa lagu qaaday saldhigga degmada Kaxda, waxaana xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyey dagaalyahanadii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday iyo ciidamada ammaanka.

Al-Shabaab ayaa muddo kooban la wareegtay saldhigga, iyada oo dab xoogan qabad siisay, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay.

Sidoo kale weerar kan la mid ah oo isna qarax ku billowday ayaa ka dhacay xaafadda Daarusalaam oo ka tirsan magaalada Muqdisho, kaas oo uu xigay dagaal toos ah.

Guddoomiye ku xigeenka amniga degmada Heliwaa ayaa la sheegay in qaraxaas lagu weeraray, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Dhinaca kale deegaanada Ceelasha Biyaha iyo Calamada oo ku yaalla duleedka Muqdisho ayaa sidoo kale xalay la weeraray, iyada oo rasaas xoogan laga maqlay deegaanadaasi.

Dagaalladan ayaa si xoogan looga dareemay caasimadda, waxaana wal-wal xoogan uu soo wajahay shacabka ku dhaqan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo mar qura xalay ku baraarugay qaraxyo iyo rasaas dhaceysa, xilli ay aheyd saq-dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here