Wararkii ugu dambeeyey xaaladda kacsan ee magaalada Guriceel

0

GURICEEL (SMN) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in maanta duleedka magaaladaas laga maqlay rasaas iyo hub culus oo ay ka mid yihiin hoobiyeyaal.

Dadka deegaanka ayaa innoo sheegtay in rasaasta oo ah mid goos goos ah laga maqlay dhanka waqooyi oo ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna.

Saraakiil ka tiran milatariga ayaa sheegay in rasaasta ay ka imaaneyso dhinaca Ahlu Sunna Waljamaaca, ayna xaaladdu tahay mid adag.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Ahlu Sunna oo ku aadan shaqaaqadaasi ka taagan waqooyiga Guriceel.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa dhaq dhaqaaqyo iska horjeeda laga dareemayay agagaarka magaalada Guriceel oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here